AG-HSJ Col Mohamed Adan Jimcaale (Koofi)

AG-HSJ Col Mohamed Adan Jimcaale (Koofi)

Dhuusamareeb: 01, September, 2020, Agaasimaha Guud ee Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa maanta furay Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) kaas oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Shirka ayaa oo socon doono mudo labo maalin ah ayaa waxaa furitaankiisa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, Wasiiro iyo Xilidhibaano ka socday Maamulka Goboleedka Galmudug, Gudoomiye K/xigeenka Degmada Dhuusamareeb, Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Caasimadda Galmudug iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada. Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb oo Shirka ka hadlay ayaa Caasimadda Galmudug kusoo dhaweeyay Madaxda iyo Saraakiisha Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya kuwaas oo ka kala yimid Xafiisyada ay Hey'aadu ku leedahay guud ahaan dalka. Maamulka Degmada Dhuusamareeb ayaa goobta ka sheegay in ay Hey'addu ku wareejinayaan dhul ay Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay milkiyaddiisu lahaan doonto isla markaana loogu adeegi doono Shacabka reer Galmudug ee ku sugan Caasimadda Galmudug iyo deegaanada ka agdhaw Caasimadda. Wasiirada iyo Xildhibaanada kasoo qeybgalay Shirka isku Xirka Howlaha Laamaha HSJ ayaa soo dhaweeyay in Shir nuucaan oo kala ah lagu qabto Caasimadda Galmudug sidoo kale waxay si isku mid ah u xuseen wax qabadka Hey'adda iyagoo sheegay in Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay tahay Hey'addii ugu horeysay oo heer federaal ah oo si buuxda uga howlgasha Deegaanada Galmudug iyo Guud ahaan Maamulada kale ee Dalka. Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo furitaanka Shirka goobjoog aheyd ayaa xustay dowrka Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay ku leedahay hormarka dalka iyadoo sidoo kale sheegtay in Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran in ku kala saaraan Xisbiyada la diiwaangeliyo in ay Heystaan Baasaboorka Soomaaliya si ay u sugaan Soomaalinimadooda. Shirka ayaa waxaa warbixin howleedka sadaxdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshaha shaqo ee 3-da bilood ee soo socota shirka ku soo bandhigay loogana dhegeystay masuuliyiinta laamaha ay Hey’addu ku kala leedahay Maamul Goboleedyada, kuwaas oo dhamaantood muujiyay in howlaha Hey’addu ay u socdaan sidii loo qorsheeyay qorshayaal cusubna kusoo bandhigay Shirka. Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ugu dambeyn shirka furay ayaa sharaxay ujeedada shirkaan loo qabto isagoo xusay in shirka isku xirka howlaha HSJ uu yahay shir 3-dii biloodba mar la qabto, Islamarkaana diiradda lagu saaro waxqabadka Hey’adda, waxyaabaha laga gaabiyay iyo caqabadaha shaqo ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay lagala kulmay shaqada, iyo ka doodista qorashaha shaqo ee sadexda bilood ee soo socota, Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Maamulka Caasimadda Galmudug bixinta dhul ay Hey'adda ku shaqeyso isla markaan ayaa milkiyaddiisu yeelato HSJ, Agaasime Guud ayaa balan qaaday in ay ka hey'ad ahaan sida ugu dhaqsiyaha badan u dhisi doonaan dhulkaasi.

Top