Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka  iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) Col,Mohamed Adan Koofi, ay

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) Col,Mohamed Adan Koofi, ay

22 June, 2021, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) Col,Mohamed Adan Koofi, ayaa maanta soo xiray Shirka Sadex billaha ah ee Isku xirka Howlaha Laamaha Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) oo shalay ka furmay Hotel Decale ee M/Muqdisho. Shirka oo galay maalintii labaad,ayaa la isaga dhageystay guud ahaan warbixinada Laamaha gobolada iyo Xarunta dhexe ee HSJ, ay soo jeediyeen, waxaana looga wada dooday qodobada loo arkay iney u baahan yihiin in laga bixiyo faahfaahino dheeriya, iyadoo gunaanadkiina lagu soo bandhigay caqabadaha taagan iyo qorshayaasha Sadexda bil ee soo socoto la doonayo in laga fuliyo xarumaha Hey’adda. K/Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ), Col Ibrahim Xuseen Xersi, ayaa ugu horeyn ku bogaadiyey Saraakiisha HSJ warbixinada iyo talooyinka qiimaha badan ee ay ku soo bandhigeen 2-dii maalmood ee uu shirku socday. Isagoo dhanka kalena kula dardaarmay in la sii joogteeyo wada shaqeynta Xarumaha HSJ iyo isla xisaabtanka shaqada si loo higsado meel ka sareysa meesha maanta la taagan yahay. Sidoo kale, K/Xigeenka Agaasimaha Guud ee Col, Cusmaan Xasan Codoble, oo isna shirka ka hadlay ayaa xusay in qodobada sida weyn looga dooday 2-dii Maalmood ee uu shirku socday ay dhamaantood ahaayeen kuwa waxtar u ah habsami u socoshada shaqada Hey’addu qabato, balse waxa uu intaa ku daray in kuwa u baahan wax ka qabashada ee lagu soo gudbiyay warbixinada, sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono, iyadoo hadba la eegayo duruufaha lagu sugan yahay, Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale {Koofi}, oo shirka soo xiray, ayaa isna ku amaanay Madaxda laamaha iyo Saraakiisha {HSJ}, sida wanaagsan oo ay doorkan shirka Sadex bilaha ah ugu soo bandhigeen warbixinada iyo doodaha waxtarka u leh shaqada,isaga oo xusay iney dhamaantood ka muuqatay dedaal iyo isbedel dhanka isku xirka shaqada ah, dhanka kalena waxa uu Agaasimuhu dhamaan Saraakiisha Hey’adda ku booriyay sida ay lagama maarmaanka u tahay gudashada waajibaadka shaqada iyo ilaalinta sharciyada dalka iyo kan socdaalka, Gebagabadii, shirka waxaa laga soo saaray qoraal lagu soo koobay nuxurka iyo waxyaabihii looga wada hadlay mudada 2-da Maalmood ah ee uu socday, kadibna waxaa qaar ka mid ah Madaxda iyo Saraakiisha HSJ halkaas lagu gudoonsiisay Abaalmarin sanadeed lagu soo qiimeeyay dedaalkooda iyo shaqo wanaag gooda, Shirka oo ay goobjoog ahaayeen Agaasime K/xigeenada Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Weli Nuur, Cabdifitaax Ibraahin Cumar Shaaweeye iyo Cabdiraxmaan cali Maxamed islamarkaana ay fududeysay Hey’adda Socdaalma ee Qaramada Midoobe {IOM} -tu waxa uu ku soo xirmay jawi aad u wanaagsan. #HSJMuqdisho

Top