Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo deeq bixiyayaasha dhismaha Xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee kala ah Dowladaha Denmark, Norway, Boqortooyada Ingiriiska iyo Finland ayaa kulan ku yeeshay habka fogaan aragga (ZOOM).
Deeq-bixiyayaasha dhsimaha Xarunta dhexe ee HSJ ayaa waxay la wadaageen Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda in ay gaba-gabo mareyso dhismaha Xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadd oo in mudo ah socday. Lataliyaha Saree e Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mahad Cabdi oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in Hay’addu ay dhawaan la wareegi doonto dhismo casri ah isla markaana qalabeysan.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa uga horeyn uga mahadceliyay dowladaha Denmark, Norway, Boqortooyada Ingiriiska iyo Finland deeqda maaliyadeed oo ay ku bixiyeen hirgelinta dhismaha Xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, sidoo kale Agaasime Guud Cabdul ayaa u mahadceliyay Hay’adda Qaramada midoobay ee adeegyada Mashaariicda (UNOPS) oo fulisay mashruuca dhismaha Xarunta dhexe ee Hay’adda.
Dhanka kale kulanka Agaasimaha Guud iyo dowladaha deeq-bixiyayaasha dhismaha xarunta dhexe ee HSJ ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta labada dhinac. Ugu dambeyn Agaasinka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa qorsheynayaa in dhawaan si rasmi ah loogu guuro dhismaha cusub ee Xarunta dhexe ee HSJ isla markaana ay ka howlgalaan Saraakiisha Hay’adda.






