Kulanka Golaha Wasiiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa shir-gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay Hindise-sharciyeedka Socdaalka.
Hindise-sharciyeedkaan ayaa dabooli doono baahida Sharci ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu u qabto in ay hesho sharci Socdaal oo la jaanqaado shuruucda kale ee ay ku shaqeeyaan wadamada Gobolka iyo kuwa Caalamka, bacdamaa hanaanka Dowladnimada uu dalkeenu qaatay aysan saamaxeyn in lagu sii shaqeeyo sharcigii hore ee Socdaalka Dalka 1966.
Ugu dambeyn, Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa laga rajeynayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku ansixiyaan Hindise-sharciyeedka Socdaalka, si Hay’addu u yeelato sharci Socdaal, isla markaana ay gudato waajibaadkeeda ku aadan Xuduudaha Dalka.
DHAMAAD
Twitter https://twitter.com/indsomalia
Website: www.immigration.gov.so
media.office@immigration.gov.so