Nuucyada dal-ku galka

Nuucyada dal-ku galka ama {Visa} ee laga Bixiyo Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay Qaranka u qaabilsan tahay arimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda waxayna Hay’addu Oglaansho Dal-ku gal siisaa Ajaanibta daneenaya in ay Soomaliya yimadaan.

Waxaa ay Hay’addu u diyaarisay Ajaanibta Soomaliya imaanaya sifooyin kooban oo loo ogol yahay in qofka ajanabiga ah uu ku yimaado waxaana sifooyinkaas ay yihiin kuwa hoos ku qoran.

1. Dal-ku gal Shaqo
2. Dal-ku gal Caafimaad
3. Dal-ku gal Dalxiis
4. Dal-ku gal Waxbarasho
5. Dal-ku gal Ganacsi
6. Dal-ku gal Booqasho
7. Dal-ku gal dagashano ku meel gaar ah
8. Da-ku gal Safar

Hay’adda ma u ogala ajanabigu in uu dalka ku yimaado sabab ka duwan sababaha aan kor ku soo sheegnay, cidii lagu arko iyadoo dalka ku joogta sifo ka baxsan sifooyinka aan soo sheegnay Hay’addu waxa ay la tiigsan doontaa Sharciga.

 

© 2017 Immigration and Naturalization Directorate