Baasaboorka Soomaliya

Baasaboor waa dukumenti u diyaarsan Dal Ku Gal oo ay Dawladda Jamhuuriya Federaalka Soomaaliya u xilsaartay Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyada, looguna talo galay si waafaqsan sharciga baasaboorada In lagu siiyo muwaadinka Soomaaliyeed ee buuxiya shuruudaha uu sharciga baasabooradu tilmaamayo, cadeyn ku filana u noqon karta qofka sita.

Wuxuu u samaysan yahay qaab waafaqsan nidaamka baasaboorada caalamka, electronik ah, wuxuuna sugayaa Jinsiyadda Iyo xogta dhabta ah ee qofka sita.

 

Waajibnimada Baasaboorka

Qofkasta oo muwaadin Soomaali ah wuxuu xaq u leeyahay inuu helo baasaboor sida ku cad Qodobka 21aad, faqradiisa 2aad ee Dastuurka Dalka. Qofkasta oo muwaadin Soomaali ah oo doonaya inuu u dhoofo dalka dibadiisa ama ka gudbo xuduudaha dalka arin shaqsiyeed awgeed, waa inuu sitaa Baasaboor jiritaankiisu sugan yahay ama dhaafiye.

 

© 2017 Immigration and Naturalization Directorate