Tariikhda Hay'adda oo koban

1 - HORDHAC

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaa la aas-aasay Sanadkii 1948 , Waxaana Hay’adda ka shaqeeya shaqaale gaaraya 1000 shaqaale kuwaasi oo kal howlgala xarunta dhexe ee hay’adda uu ku taala Caasimada Dalka Muqdisho iyo xafiisyada Hay’adda ay ku leedahay 31 safaaradood oo dalka uu la wadaago dalalka caalamka,

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay soo martay heerar kala duwan iyo is badallo xariir ah hadey ahaan laheyd baaxadeeda iyo Hay’adihii kala duwanaa ee ay hoos tagaaysay sida: CID, Ciidanka booliska, Taliska Nabad-sugida, Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Wasaarada Amniga Gudaha, Sidoo kale waxaa soo maray hay’adda masuuliyiin kala duwan oo midba meel soo gaarsiiyay.

Madaxda soo martay Hay’adda

profile picture

Cumar Axmed kulmiye
1960-66

profile picture

G/dhexe Abdul-qaadir Hassan Mafiite
1966-69

profile picture

Faarax Sugule Xirsi
1969-70

profile picture

Cismaan Axmed Xuseen (Caana geel)
1971-72

profile picture

Axmed Maxamed Macow
1972-76

profile picture

G/sare Nur Xasan looyaan (nuur bidaar)
1976-90

profile picture

S/Gaas Abdulahi Gafow Mahamud
1991-2016

profile picture

G/Sare Mahamed Aden Jimale (Koofi)
2016-

 

1.1 Waajibaadka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay u haysaa qaranka howlo aad u balaaran, howlahaas oo isugu jira ka qayb qaadashada iyo xaqiijinta amniga dalka iyo adeegyo kala duwan sida bixinta baasaboorada Soomaaliga iyo dukumentigayada kale ee la xariira dhoofka , bixinta fiisaha lagu soo galayo dalka, fududaynta safaradda gudaha iyo dibada.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda waxay kaloo qayb ka qaadataa Sugida Amniga, koontoroolka dhaq-dhaqaaqa Xaaduudaha iyada oo ay ka howl galayaan saraakiisha Socdaalka dhamaan xuduudaha dalka si ay u fududeeyaan adeegyada socdaal ee looga baahan yahay halkaas ayna uga hortagaan soogalitaanka iyo qul-qulka sharcidarada ah. Sidoo kale howlaha ay uga qayb qaadato amniga waxaa ka mid ah xaqiijinta, xakamaynta iyo ka hortaga Jinsiyadda Soomaaliga inay ku baxdo si qaldan oo ay u gacan gasho dad aan munaasab ku ahayn.

© 2017 Immigration and Naturalization Directorate