Habraaca Ogolaanshaha Dalkugalka Soomaaliya

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxay u xilsaaran tahey maareynta socdaalka iyo bixinta aqoonsiga iyo baasaboorka, waxayna ka tirsantahay Wasaaradda Amniga Qaranka. Hey’addu waxay xarumo ku leedahay dhamaan deegaanada maamuladda katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay bixisaa warqadda ogolaanshiyaha soo gelidda dalka oo ay siiso dadka ajnabiga ah ee dalka soo galaya kuwaas oo sababo kala duwan ku yimaada, sida ganacsi, shaqo, dalxiis, booqasho, waxbarasho, Shir, iyo arimo la mid ah. Dadka ajaanibta ah ee dalka imaanaya, shirkadaha, hay’adaha, ama shaqsiga martigelinaya waxaa laga doonayaa in ay soo buuxiyaan shuuradaha ku xusan hanaankaan. Hanaankaan wuxuu dhaqan galayaa 10-ka May, 2017.

Habraacaan ma saameyn doono dublomaasiyiinta, shaqaalaha Qaramada Midoobey, iyo Shaqaalaha Urur goboleedyada (EU, AU, IGAD, Jaamacadda Carabta, Iskaashiga Islaamka). Safaaradaha, Qaramada Midoobey, iyo Urur goboleedyada waa in ay hubiyaan in Dublamaasiyiintooda, Shaqaalahooda, iyo Kunturaaleyaashoodu ay la yimaadaan aqoonsi muujinaya in ay ka tirsan yihiin. Haddii aysan laheyn aqoonsi waa in ay maraan hanaankaan una dalbaan ogolaashaha soo gelidda dalka.

Shuruudaha laga Doonayo Shirkadaha ama Hay’adaha Doonaya iney Dalka Keenaan Ajaanib:

1. Macluumaadka ama Profile-ka shirkada/Hey’adda iyo shatiga shirkada/Hey’adda

2. Warqad codsi ah oo lagu dalbanayo dal-ku-gal, oo ay ku qoran tahay dhamaan xogta qofka imaanaaya (Magaca, Numberka baasaboorka, Jinsiyadda, Taariikhda imaashiyaha, sababta imaashiyaha, iyo Dalka uu ka imaanayo) lehna astaanta iyo shaabad sharci ah.

3. Warqadda caddeynta dammaanadda (Amnigiisa, Deegaankiisa iyo Noloshiisa).

Shuruudaha laga Doonayo Hey’adaha Dowladda ee Doonaya iney Dalka Keenaan Ajaanib:

1. Codsi rasmi ah oo leh saxiix iyo shaabad sharci ah, islamarkaana caddeynaya xogta shaqsiya dalka soo galaya (Magaca shaqsiga, numberka baasaboorka, Jinsiyadda, Taariikhda imaashiyaha, Dalka uu ka imaanayo, Sababta imaashiyaha).

2. Magaca iyo xariirka qofka sida gaarka ah loogala xariirayo haddii loo baahdo faahfaahin dheeri ah.

Shuruudaha laga doonayo Shaqsiga Doonaya inuu Keeno Dalka Ajaanib:

1. Taariikh Nololeedka oo ka kooban xogta saxda ah (CV).

2. Warqad codsi dal-ku-gal oo ay ku xusantahey xogta ajnabiga (Magaca, Numberka Baasaboorka, Jinsiyadda, Taariikda iyo Sababta Imaashiyaha, iyo Dalka uu ka imaanayo) oo saxiixan.

3. Warqadda caddeynta dammaanadda (Amnigiisa, Deegaankiisa iyo Noloshiisa) oo saxiix leh.

4. Koobiga Aqoonsiga iyo Baasaboorka.

5. Koobiga aqoonsiga shaqo.

Shuruudaha Laga Doonayo Qofka Ajnabiga ah ee Dalka Imaanaaya:

1. Koobiga Baasaboor sax ah oo aan dhacsaneyn una harsantahay ugu yaraan mudo lixbilood ah.

2. Kaarka aqoonsiga shaqsiga.

3. Koobi ama nuqul warqadda ogolaanshaha dal-ku-galka (Marka uu yimaado).

Haddii qodobada kor ku xusan aysan ku jirin sababta aad Soomaaliya u imaaneyso, aad qabto su’aalo kale ama u baahan tahay sharaxaad dheeri ah, fadlan nagala soo xiriir cinwaanadeena hoos ku xusan.

Dukumentiyada iyo codsiyada ku xusan habraacaan waxaa la geynayaa xaafiiska la socodka ajaanibta ee waaxda bixinta fiisada iyo degenaashaha maalmaha asbuuca marka laga reebo Jimcaha iyo Sabtida laga bilaabo 8:00 ilaa 14:30. Hanaankaan wuxuu qaadan karaa 24 saac ilaa 48 saac oo kali ah.

Xaafiiska waaxda bixinta fiisada iyo degenaashaha wuxuu ku yaalaa gudaha airporka Aadan Cadde, Dhabarka danbe ee saldhiga booliiska Airporka ee cusub.

Kala Xariir:
Email: info@immigration.gov.so
Tel: +252 61 581 4055

 

© 2017 Immigration and Naturalization Directorate