Cirka

Garoomada Diyaaradaha

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay Qaranka u qaabilsan tahay arimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda waxayna Hay’addu dhamaan dadka la xariira howlaha ay qabato u diyaarisay baro tilmaaman oo dalka laga soo gali karo lagana bixi karo.

Dadka socdaalkoodu la xariiro Duulimaadka diyaaradaha, Hay’adda waxa ay ugu talagashay in dalka ay ka soo gali karaan kana bixi karaan xarumha hoos ku xusan.

1. Garoonka diyaaradaha Aden Abdulle ee Muqdisho
2. Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa
3. Garoonka diyaaradaha Kismaayo
4. Garoonka diyaaradaha Garoowe
5. Garoonka diyaaradaha Oshaako ee Galkacyo
6. Garoonka diyaaradaha Abdulahai Yusuf ee Galkacyo
7. Garoonka diyaaradaha Cadaado
8. Garoonka diyaaradaha Boosaaso

Hay’addu waxa ay sharciga la tiigsan doono cid kasta oo ku xad gudubta sharuucda Hay’adda iyo mida guud ee Qaranka Soomaliyeed

 

© 2017 Immigration and Naturalization Directorate